DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Somaliland oo tacsi u dirtay Itoobiya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa tacsi u dirtay dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya kadib dhul-go’ sababay dhimasho oo ka dhacay Gobolka Gamo.

Qoraal ay wasaaraddu soo saartay oo nuqul ka mid ahi soo gaaray warbaahinta ayaa lagu muujiyey sida ay Somaliland uga xun tahay khasaaraha ka dhashay masiibadaas, iyadoo tacsi loo diray qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay.

“Somaliland waxay tacsi u diraysaa shacabka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya kaddib dhul-go’yadii dhimashada sababay ee ka dhacay Gobolka Gamo. Qalbiyadeenu waxay la jiraan qoysaska ay masiibadu saamaysay. Somaliland waxay garab taagan tahay Itoobiya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sidoo kale muujisay sida ay uga damqanayso khasaaraha ka dhashay dhul-go’gaasi, iyadoo u rajeysay in dadka ku dhaawacmay ay si degdeg ah u bogsadaan.

Dhul-go’gan ka dhacay gobolka Gamo ee dalka Itoobiya ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay socdaan dadaallo lagu samatabixinayo dadka ay saameysay masiibadaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *