Maamulka Koonfur Galbeed oo Xiriirka u jaray Dowladda Soomaaliya

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay joojiyeen wada-shaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka dambeyso falal amni darro oo ka dhacay deegaanadooda.
Afhayeenka cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in go’aankan uu yimid kaddib markii ay arkeen, sida uu hadalka u dhigay, “faragelin siyaasadeed iyo falal lagu carqaladeynayo xasilloonida” deegaannada maamulkaas.
Afhayeenka ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay ka shaqeyneysay qorshayaal la xiriira kala qeybinta dalka iyo hurinta xasarado hubeysan, kuwaas oo si toos ah u saameeyay ammaanka iyo deganaanshaha shacabka ku nool Koonfur Galbeed.
“Waxaan haynaa caddeymo muujinaya in Dowladda Federaalka ay ku lug leedahay falal lagu abuurayo qalalaase iyo kala fogaansho siyaasadeed,” ayuu yiri afhayeenka, isagoo intaas ku daray in maamulka Koonfur Galbeed uusan sii wadi karin wada-shaqeyn uu ku tilmaamay mid halis gelinaysa jiritaanka iyo amniga dowlad-goboleedka.
Ilaa iyo hadda, Dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku aaddan eedeymahan culus ee ka soo yeeray Koonfur Galbeed.
Arrintan ayaa imaneysa xilli ay horey u jireen khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada, kuwaas oo marar badan saameyn ku yeeshay wadashaqeynta dhinacyada iyo dadaallada lagu xoojinayo dowladnimada Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ka digaya in xiisaddan cusub ay sii adkeyn karto xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, isla markaana ay saameyn ku yeelan karto dadaallada nabadeynta iyo horumarinta dalka.









