Xog: Guddoomiye Aadan Madoobe oo xal raadin u tegaya Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa la filayaa inuu maanta dib ugu soo laabto caasimadda Muqdisho, kaddib safar uu ugu maqnaa gudashada waajibaadka cimrada.
Wararka laga helayo xubno ka tirsan xildhibaano iyo siyaasiyiin la socday guddoomiyaha ayaa xaqiijinaya in uu marka hore kasoo degi doono Muqdisho, islamarkaana uu halkaas uga sii gudbi doono magaalada Baydhabo.
Ujeedada safarkiisa ayaa lagu sheegay dadaallo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed. Khilaafkan ayaa maalmahan dambe sii kordhayay, iyadoo ay jiraan arrimo siyaasadeed iyo is-afgaranwaa dhinacyo badan taabanaya.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayuu la kulmi doonaa Guddoomiye Aadan Madoobe, isaga oo kala hadli doona sidii loo xalin kara khilaafka Villa Soomaaliya iyo Madaxweyne Laftagareen.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa la sheegay inuu kamid yahay musharixiinta u taagan hoggaanka Koonfur Galbeed, taasoo sii adkeyn karta xaaladda siyaasadeed ee jirta. Lama oga sida uu Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), u arki doono safarka guddoomiyaha iyo haddii maamulka uu si rasmi ah u soo dhaweyn doono imaanshihiisa Baydhabo.
Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in safarkan uu noqon karo mid xasaasi ah, isla markaana saameyn ku yeelan kara mustaqbalka xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa horay xal uga gaaray khilaaf u dhaxeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo qaar kamid ah mucaaradkiisa, kuwaas oo ku dagaalamay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.









