Sawirro:- Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Baydhabo oo la saftay Maamulka Koonfur Galbeed

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta 60aad, ay ku dhawaaqeen inay si rasmi ah u garab taagan yihiin Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Ciidamadan oo la sheegay inay gaarayaan boqolaal askari ayaa ku hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hub noocyo kala duwan leh. Taliyahooda ayaa la sheegay inuu dhowaan qaatay amar ka yimid dowladda federaalka, kadibna u safray magaalada Muqdisho.
Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka oo la hadlay warbaahinta ayaa si cad u sheegay inay la safan yihiin maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga iyo difaaca deegaannada uu ka taliyo maamulkaas.
“Tallaabadan waxay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri mid kamid ah saraakiisha, inkastoo uusan magaciisa sheegin.
Dhanka kale, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaan weli wax war ah kasoo saarin arrintan, taasoo imaneysa xilli ay jiraan warar sheegaya kala qeybsanaan ka dhex jirta ciidamada, kuwaas oo qaarkood lagu eedeeyo inay u abaabulan yihiin qaab beeleed.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo xaaladda siyaasadeed iyo midda amni ee dalka ay weli wajahayaan caqabado la xiriira mideynta ciidamada iyo sugidda amniga guud ee dalka, isla markaana Maamulka Koonfur Galbeed uu Maanta xiriirka u jaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.










