Madaxweyne Xasan Sheekh oo billaabay xal u raadinta khilaafka kala dhaxeeya Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa dadaallo deg-deg ah ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay habraaca doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii uu sii xoogeystay muranka u dhexeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamulkaas.
Warar laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ilaa xalay waday kulamo iyo xiriirro siyaasadeed oo uu ku doonayo in lagu qanciyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, inuu dib uga fiirsado qorshaha uu ku aadayo doorashooyin uu maamulkaasi si madax-bannaan u maamulo.
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday xubnaha siyaasiyiinta ah ee diidan nidaamka ka socda magaalada Baidoa in ay hoos u dhigaan doodahooda iyo dhaliilaha ay ka muujinayaan habraaca doorashada, si fursad loogu helo xal wadahadal ku dhisan.
Dadaallada Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka bilaabmeen xiriir lala sameeyay qaar kamid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Laftagareen oo xiligan dalka dibaddiisa ugu maqan arrimo caafimaad, hase yeeshee illaa hadda lama sheegin wax natiijo ah oo laga gaaray wada-xiriirkaas.
Sidoo kale, ilo kale ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah xubnaha sida dhow ula shaqeeya Laftagareen oo ay Villa Soomaaliya la xiriirtay aysan weli soo gudbin jawaab rasmi ah oo ku saabsan dalabkii dowladda federaalka.
Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa la sheegay inay la xiriirtay dowladda Ethiopia, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada in Addis Ababa ay door ka qaadato dhexdhexaadinta labada dhinac, ka hor inta aysan si cad dhinac uga raacin khilaafka jira.
Ilo wareedyo ayaa intaas ku daraya in dowladda federaalka ay saacado kadib ogaatay in Madaxweyne Laftagareen uu kulamo la yeeshay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Itoobiya, gaar ahaan kuwa gacanta ku haya arrimaha amniga.
Si kastaba ha ahaatee, dadaallada deg-degga ah ee ka socda Villa Somalia ayaan weli dhalin natiijo muuqata, xitaa mid hordhac u noqon karta in mar kale ay wada hadal yeeshaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Justice and Solidarity Party, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka xisbiga iyo ajendayaashii hore ee ay wada lahaayeen.









