Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Madaxweyne Xasan Sheekh oo billaabay xal u raadinta khilaafka kala dhaxeeya Koonfur Galbeed
    LATEST NEWS

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo billaabay xal u raadinta khilaafka kala dhaxeeya Koonfur Galbeed

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor17 March 2026Updated:17 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa dadaallo deg-deg ah ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay habraaca doorashooyinka maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii uu sii xoogeystay muranka u dhexeeya dowladda federaalka iyo madaxda maamulkaas.

    Warar laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu ilaa xalay waday kulamo iyo xiriirro siyaasadeed oo uu ku doonayo in lagu qanciyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Abdiasis Hassan Mohamed Laftagareen, inuu dib uga fiirsado qorshaha uu ku aadayo doorashooyin uu maamulkaasi si madax-bannaan u maamulo.

    Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah, Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka codsaday xubnaha siyaasiyiinta ah ee diidan nidaamka ka socda magaalada Baidoa in ay hoos u dhigaan doodahooda iyo dhaliilaha ay ka muujinayaan habraaca doorashada, si fursad loogu helo xal wadahadal ku dhisan.

    Dadaallada Villa Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka bilaabmeen xiriir lala sameeyay qaar kamid ah xubnaha ku dhow Madaxweyne Laftagareen oo xiligan dalka dibaddiisa ugu maqan arrimo caafimaad, hase yeeshee illaa hadda lama sheegin wax natiijo ah oo laga gaaray wada-xiriirkaas.

    Sidoo kale, ilo kale ayaa tilmaamaya in qaar kamid ah xubnaha sida dhow ula shaqeeya Laftagareen oo ay Villa Soomaaliya la xiriirtay aysan weli soo gudbin jawaab rasmi ah oo ku saabsan dalabkii dowladda federaalka.

    Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa la sheegay inay la xiriirtay dowladda Ethiopia, si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada in Addis Ababa ay door ka qaadato dhexdhexaadinta labada dhinac, ka hor inta aysan si cad dhinac uga raacin khilaafka jira.

    Ilo wareedyo ayaa intaas ku daraya in dowladda federaalka ay saacado kadib ogaatay in Madaxweyne Laftagareen uu kulamo la yeeshay qaar kamid ah mas’uuliyiinta Itoobiya, gaar ahaan kuwa gacanta ku haya arrimaha amniga.

    Si kastaba ha ahaatee, dadaallada deg-degga ah ee ka socda Villa Somalia ayaan weli dhalin natiijo muuqata, xitaa mid hordhac u noqon karta in mar kale ay wada hadal yeeshaan Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga Justice and Solidarity Party, si ay uga wada hadlaan mustaqbalka xisbiga iyo ajendayaashii hore ee ay wada lahaayeen.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSomali Traders Cry Foul as Cargo Held at Airport Warehouse Run by President’s Relative
    Next Article Farmaajo oo si kulul uga hadlay tallaabo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d