LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo joojisay duulimaadyadii Magaalada Baydhabo

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hakisay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, kaddib markii uu sii xoogaystay khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Wararka laga helayo ilo kala duwan ayaa sheegaya in ilaa saaka aysan jirin wax duulimaad ah oo gaaray Baydhabo, iyadoo hakintaasi ay timid amar kasoo baxay dowladda. Diyaaradaha kaliya ee loo oggol yahay inay tagaan magaalada ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin kuwa Qaramada Midoobay iyo diyaaradaha xamuulka qaada.

Khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa gaaray heer sare, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda dhexe.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xiisado siyaasadeed oo soo noqnoqday, kuwaas oo horey u sababay in dowladda federaalka ay hakiso duulimaadyadii aadi jiray deegaanada Jubbaland. Hakintaasi ayaa saameyn weyn ku yeelatay shacabka, gaar ahaan dadka safarka u adeegsada diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa marar hore awood u yeeshay inuu safarro ka sameeyo magaalada Kismaayo, isagoo u kala goosha meelo kala duwan inkastoo xayiraadaha jireen.

Lama oga weli muddada ay socon doonto hakinta duulimaadyada Baydhabo, hase yeeshee arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay sii adkeyso xaaladda nololeed iyo isu socodka dadka ku nool gobolka Baay iyo deegaanada ku dhow.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *