LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka koonfur Galbeed oo sheegay in ciidamada ku sugan Buurhakaba ay yihiin Al-Shabaab

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Xasan Cabduqaadir Maxamed, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda amni ee degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad hubeysan oo mucaaradsan maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ka jira degmadaasi aysan ahayn ciidamo rasmi ah, balse ay yihiin maleeshiyaad xiriir la leh kooxda Al-Shabaab.

“Kooxahan ma aha ciidamo dowladeed, waa maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo doonaya inay carqaladeeyaan amniga,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa tilmaamay in maleeshiyaadkan ay wadaan falal qalqal gelin ah oo si toos ah u saameynaya amniga iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay halis ku yihiin nabadda shacabka ku dhaqan Buur Hakaba iyo deegaannada ku xeeran.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu caddeeyay in dowladdu ay ka go’an tahay in tallaabo adag laga qaado kooxahaasi, si loo sugo amniga guud ee gobolka Baay iyo deegaannada kale ee Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *