FEATUREDLATEST NEWSWARARKA

Jahwareer ka taagan halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed

Warar is khilaafsan ayaa weli ka soo baxaya halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kadib safar uu dhawaan ugu maqnaa gudashada cimrada ee magaalada Makka.

Jahwareerkan ayaa yimid xilli ay soo baxeen warar sheegaya inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya Laftagareen iyo madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Somalia. Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in madaxtooyadu ay dooneyso in Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu marka hore soo maro Muqdisho, halkii uu si toos ah uga degi lahaa magaalada Baydhabo.

Wararka ugu dambeeyay ee la helayo ayaa sheegaya in Laftagareen uu ku sugan yahay magaalada Goday, isla markaana la filayo inuu maanta u gudbo Baydhabo.

Xaaladda ayaa si weyn loo hadal hayaa, iyadoo haddii Madaxweynaha uu si nabad ah ku gaaro Baydhabo loo arki karo guul siyaasadeed oo u soo hoyatay, taas oo saamayn ku yeelan karta xiriirka kala dhexeeya Villa Somalia. Sidoo kale, falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa saadaalinaya in arrintan ay dhalin karto wejiyo cusub oo khilaaf siyaasadeed ah.

Si kastaba, wali ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo caddeynaya halka uu si dhab ah ugu sugan yahay ama qorshihiisa socdaal ee xiga.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *