LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamo Macawiisley ah oo weerar ku dilay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa saakay aroortii hore weerar qorsheysan ku qaaday deegaanka Ceel Cali Mire oo ku yaalla duleedka degmada Buulacle, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo goobta ayaa tilmaamaya in weerarkaasi uu ahaa mid si gaar ah loo abaabulay, kadib markii ciidamada ay heleen xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ee deegaankaasi.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in intii uu socday dagaalka lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Lama oga wali khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama xaaladda goobta ay weli kacsan tahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas xooggan iyo qaraxyo kooban oo ka dhacay halka uu dagaalku ka socday, taasoo cabsi gelisay shacabka ku dhaqan agagaarka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada deegaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta howlgalka, balse waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan natiijada weerarka.

Deegaanka Ceel Cali Mire ayaa marar hore noqday goob ay isku fara saaraan ciidamada dowladda, kuwa deegaanka iyo dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo howlgaladan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu xasilinayo deegaannada ay ku sugan yihiin kooxdaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *