Xubno ka tirsanaa Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo Is-casilay

Afar xubnood oo ka tirsanaa xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si rasmi ah uga dhawaaqay inay iska casileen xubinnimadii xisbigaas.
Xubnaha is-casilay ayaa kasoo jeeda deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxayna go’aankooda ku sababeeyeen arrimo la xiriira aragti siyaasadeed iyo jihada uu xisbigu u socdo, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.
Dadka is-casilay waxaa ka mid ah Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga xukuumaddii Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe), Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed (Murjaan), iyo xubno kale oo xilal kala duwan ka soo qabtay xisbiga.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xubnahan ay si sharci ah uga baxeen xisbiga, iyagoo xusay in ay ka duwanaadeen hoggaanka sare ee xisbiga, gaar ahaan arrimaha la xiriira hoggaaminta, wada-tashiga iyo matalaadda deegaannada ay kasoo jeedaan.
Sidoo kale, waxay tilmaameen in go’aankoodu uusan ahayn mid ka dhan ah dowladnimada dalka, balse uu yahay mid ku saleysan aragti siyaasadeed oo ay aaminsan yihiin inay ku horumarin karaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
Ilaa iyo hadda, hoggaanka xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh weli kama aysan hadlin is-casilaadda xubnahan, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay ka soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa xilli Maanta uu is casilay Guddoomiye kuxigeenkii Xisbiga ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, kaas oo xilligaan uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.










