LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed oo lagu xayiray Garoonka Aadan-Cadde

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta halkaasi laga hor istaagay xubno wasiiro ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, xilli ay doonayeen inay safar uga dhoofaan garoonka, kuna wajahnaa magaalada Baydhabo.

Xubnaha lagu hakiyay garoonka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Dekedaha, Guddoomiyaha Shaqaalaha Rayidka ee Koonfur Galbeed, iyo sidoo kale Xildhibaan Booroow oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin sababta ka dambeysa tallaabadan lagu joojiyay mas’uuliyiintan, hase yeeshee dhacdadan ayaa kusoo aadeysa xilli xasaasi ah oo uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dhinacyo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

Dhacdadan ayaa sidoo kale imaneysa wax yar kadib markii xalay saqdhexe Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ay soo saartay warqad ay ku sheegtay in khilaafaadka jira lagu dhameyn doono wada-hadal iyo isfahan.

Lama oga weli sida ay arrintan u saameyn doonto dadaallada socda ee xal u helidda khilaafaadka siyaasadeed, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda ay kasoo baxaan faahfaahin dheeraad ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *