Farmaajo oo la saftay Laftagareen una digay Xasan Sheekh

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si cad u taageeray mowqifka Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, isagoo ka digay in dalka uu geli karo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuriga ah haddii aan la gaarin heshiis qaran kahor dhammaadka muddada xilka Madaxweynaha hadda talada haya.
Qoraal uu Farmaajo ku baahiyey bartiisa X (Twitter), ayuu ku sheegay in muddada sharci ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eg tahay 15-ka May 2026, isla markaana ay lama huraan tahay in la helo is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuuri ah.
“Muddada sharciga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxay ku egyahay 15-ka May 2026, waxaana loo baahan yahay is-afgarad ballaaran iyo heshiis siyaasadeed si looga hortago firaaq siyaasadeed iyo mid dastuur,” ayuu yiri Farmaajo.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli Madaxweyne Laftagareen uu qaaday tallaabooyin siyaasadeed oo culus, oo ay ka mid yihiin ku dhawaaqista in wax ka beddel kasta oo dastuurka lagu sameeyey uu sharci-darro yahay iyo sidoo kale is-casilaaddiisii xilka Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga JSP.









