Booliska oo Muqdisho dhul boob dartiis dil iyo dhaawac ugu geystay Shacab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta iska horimaad uu ka dhacay xaafadda Deymaroodi oo ka tirsan degaanka Gubta, kadib markii ciidamo ka tirsan dowladda ay isku dayeen in ay la wareegaan dhul ay degan yihiin dad shacab ah.
Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen dad shacab ah oo bannaanbax ka dhigayay arrinta la xiriirta dhulka lagu muransan yahay. Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay rasaasta, halka qof kale uu ku dhaawacmay.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada howlgalka waday uu hoggaaminayay taliye ku xigeenka ciidanka booliska ee saldhigga Deyniile. Dadka deegaanka ayaa dhankooda ku dooday in dhulka lagu muransan yahay uusan ahayn dhul dowladeed, balse uu yahay hanti gaar ah oo ay leeyihiin, isla markaana ay ka soo horjeedaan in laga qaado.
Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda in ay ku lug leeyihiin isku dayga lagu boobayo dhulka, iyagoo sheegay in aanay aqbali doonin in laga saaro goobahooda.
Xiisadda ayaa weli ka taagan xaafadda Deymaroodi, halkaas oo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda oo isugu jira kuwa booliska iyo milatariga iyo dadka deegaanka. Mararka qaar ayaa la maqlayaa rasaas ay ciidamada ku ridayaan shacabka, taas oo cabsi ka dhalisay in khasaaraha uu sii kordho.
Dhacdadani ayaa kusoo beegmeysa xilli ay jireen cabashooyin soo noqnoqday oo la xiriira muran dhuleed oo ka jira magaalada Muqdisho, kuwaas oo dadka qaar ku eedeeyaan in ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.









