Laftagareen oo iska casilay xubinimadii JSP, kana soo horjeestay waxka bedelka Dastuurka shaaciyayna in Xasan Sheekh…

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku dhawaaqay in wax ka bedel kasta oo lagu sameeyey Dastuurkii 2012kii ay sharci darro yihiin, Soomaaliyana ay leedahay hal Dastuur oo ah kii 2012kii, ayna Koonfur Galbeed sharci darro u aragto wax ka bedel kasta oo aan loo marin habraacyada sharciga ah ee la yaqaano.
Sidoo kale Madsxweyne Laftagareen ayaa iska casilay Xubinimadii Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP oo uu ka ahaa Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Xisbiga.
Laftagareen ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xassan Sheikh in uu si deg deg ah iskugu yeero golihii madasha wadatashiga Qaran ee uu kala irdheeyey, layskugu yimaado meel dhexdhexaad & amni ah, loogana tashado doorashooyinka Qaranka, kahor inta aan la gaarin 14 April.
Laftagareen ayaa ku eedeeyey madaxweyne Xassan Sheikh kala goynta dalka, Midnimada la dagaalanka & abuurida maleeshiyaad u darban colaado laga soo doogay & dib ugu celinta dalka ee dagaalo Sokeeye.
Hay’adda Duulista rayidka ayuu sheegay in laga dhigay Hay’ad kooxo gaar ah u shaqeysa, loogana baahan yahay Beesha Caalamka in ay dib u qiimeyso, maadaama ay ku xadgudubeen xaquuqda dadka rayidka ah oo awood loo adeegsanayo.
Mashaariicda dalka ayuu sheegay in kooxo kooban qaateen oo lagu xadgudbay xeerar kasta oo horey loo dajiyey, ayna waajib tahay in dunidu ay dib u eegto.
In la joogo ayuu kudhawaaqay waqtigii dadka Soomaaliyeed ay dib u tashan lahaayeen, oo ay go`aan ka gaari lahaayeen masiirkooda.









