Maamulka Koonfur Galbeed oo Go’aan culus ku dhawaaqay kadib khilaafka Dowladda

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya (DKGS), iyadoo tixgalinaysa Dastuurka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan Qodobka 50aad faqraddiisa 1aad, 2aad iyo 3aad, isla markaana ka duuleysa xaaladaha cakiran ee ka taagan dowladnimada iyo nidaamka federaalka ee dalka, ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka tarjumaya mowqifkeeda ku aaddan xaaladda dalka.
Kadib kulamo gaar gaar ah oo lala yeeshay xubnaha bulshada gole, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Koonfur Galbeed, islamarkaana lagu qiimeeyay duruufaha taagan, DKGS waxay soo saartay qodobadan hoos ku xusan:
1. Cambaareyn ku aaddan tallaabooyinka Dowladda Federaalka
DKGS waxay si adag u cambaareyneysaa tallaabooyinka ay sheegtay in ay burburinayaan nidaamka siyaasadeed iyo amni ee dalka, kuwaasoo ay ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay bilowday, iyadoo adeegsanaysa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada.
2. Dastuurka Kumeel-Gaarka ah
Dowladda Koonfur Galbeed waxay caddeyneysaa in Dastuurka Kumeel-Gaarka ah ee la ansixiyay sanadkii 2012 uu yahay mid sharci ah oo ay Soomaali ku heshiisay, iyadoo tilmaamtay in wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka cusub uu yahay mid aan loo marin habraac sax ah isla markaana ay hareeyeen musuqmaasuq.
3. Baaq ku aaddan wada-tashi siyaasadeed
DKGS waxay ugu baaqday Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo xukuumaddiisa in dib loo soo celiyo Golaha Wadatashiga, isla markaana la isugu yimaado goob dhexdhexaad ah si looga wada xaajoodo hannaan doorasho oo loo dhan yahay, ka hor inta aan la gaarin dhammaadka muddo xileedyada hay’adaha dowladda ee ku eg 14-ka Abriil iyo 15-ka May 2026.
4. Arrimaha amniga iyo ciidamada
DKGS waxay sheegtay in Dowladda Federaalka ay faragelin ku hayso arrimaha amniga, isla markaana ay kala qeybineyso Ciidamada Qalabka Sida, taas oo halis ku ah dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab.
5. Dadaallada Koonfur Galbeed
Dowladda Koonfur Galbeed waxay sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin lagu xoojinayo amniga iyo midnimada bulshada, iyadoo ka duuleysa awoodaha uu siinayo Dastuurka Kumeel-Gaarka ah ee 2012.
6. Siyaasadaynta duulista rayidka
DKGS waxay cambaareysay waxa ay ku tilmaamtay siyaasadaynta hay’adda duulista rayidka, iyadoo sheegtay in laba duulimaad laga hor istaagay inay gaaraan Baydhabo, arrintaas oo ay ku tilmaantay mid lagu fulinayo dano siyaasadeed.
7. Gargaarka caalamiga ah
Dowladda Koonfur Galbeed waxay ka digtay in la siyaasadeeyo gargaarka caalamiga ah, gaar ahaan xilli dalka uu wajahayo abaar ba’an. Waxay ugu baaqday beesha caalamka in si toos ah u maamulaan mashaariicda gargaarka ilaa laga helayo nidaam cadaalad ku dhisan.
8. Midnimada dowlad goboleedyada
DKGS waxay ku baaqday in dowlad goboleedyada ay muujiyaan isku duubni si looga hortago burbur iyo kala qaybsanaan ku timaada dalka.
9. Baaq ku socda beesha caalamka
Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka, Midowga Afrika, IGAD iyo dalalka deriska ah inay cadaadis saaraan Dowladda Federaalka si looga hortago tallaabooyin horseedi kara burbur dowladeed.
10. Baaq ku socda shacabka
Ugu dambeyn, Dowladda Koonfur Galbeed waxay ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada Koonfur Galbeed, inay muujiyaan midnimo iyo wadajir, isla markaana ay ka hortagaan cid kasta oo lid ku ah amniga iyo nabadda dalka.










