LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidamada Danab oo Hawlgal gaar ah ku Qabtay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay hawlgal si heer sare ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu beegsanayay maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab. Hawlgalkan ayaa ka dhacay tuulada Buulaloow oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ayaa xaqiijiyay in hawlgalkan lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo afar (4) xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kuwaas oo haatan ku jira gacanta ciidamada ammaanka.

Ciidamada Danab ayaa muujiyay feejignaan, xirfad iyo diyaargarow sare intii uu socday hawlgalka, iyagoo aan wax khasaare ah soo gaarin. Tani waxay muujineysaa heerka sare ee tababarka iyo awoodda ay leeyihiin ciidamadan sida gaarka ah u tababaran.

Hoggaanka ciidanka ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga guud ee dalka, laguna ciribtirayo kooxaha argagixisada ee dhibaateeya shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ciidamada Danab ayaa caddeeyay inay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo xasillooni ka hanaqaadda guud ahaan dalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *