Xildhibaannada Mucaaradka oo war kasoo saaray khilaafka DFS iyo Koonfur Galbeed

Xildhibaanno mucaarad ah oo isku magacaabay “Baarlamaanka Xorta ah” ayaa si rasmi ah u taageeray go’aankii Maamulka Koonfur Galbeed uu xiriirka ugu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaannadan ayaa lagu sheegay in go’aanka Koonfur Galbeed uu yahay mid ku yimid xaalado siyaasadeed oo adag, isla markaana ay xuseen in faragelin iyo cadaadis siyaasadeed oo ay sheegeen in dowladda federaalka ku hayso maamulkaas ay sabab u noqotay go’aankaasi.
Xildhibaannada ayaa sidoo kale uga digay mas’uuliyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ee ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay ku howlan yihiin carqaladeynta amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulkaas. Waxay ku baaqeen in la joojiyo falalka ay ku tilmaameen kuwo hurinaya khilaaf iyo kala qaybsanaan.
Dhanka kale, bayaanka ayaa lagu muujiyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo go’aannada maamul goboleedyada, iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-hadal iyo xal siyaasadeed oo waara.
Ugu dambeyn, xildhibaannada “Baarlamaanka Xorta ah” ayaa ugu baaqay bulshada Koonfur Galbeed inay ilaashadaan amniga iyo midnimada, kana fogaadaan wax kasta oo wiiqi kara xasilloonida gobolka.










