Dowladda Soomaaliya oo u yeertay Taliyeyaasha Booliska degaannada Maamulka Galmudug

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano, uu amar ku bixiyay in dhammaan taliyeyaasha degmooyinka iyo gobollada ee Galmudug ay yimaadaan magaalada Muqdisho, halkaas oo la sheegay inay maanta soo gaareen saraakiishii ugu dambeysay.
Xog horudhac ah oo ay heshay warbaahinta Galwaaq Media, kana timid ilo ku dhow taliska booliska, ayaa tilmaamaysa in ujeeddada kulankan ay salka ku hayso laba arrimood oo muhiim ah:
Waxaa la doonayaa in la ogaado saraakiisha diyaar u ah inay qaataan amar kasta oo kasoo baxa taliska dhexe iyo kuwa laga yaabo inay diidaan haddii uu khilaaf yimaado.
Taliyaha Booliska ayaa la sheegay inuu doonayo in saraakiisha Galmudug ay si toos ah amar uga qaataan Taliska Dhexe ee Booliska Soomaaliyeed, halkii ay ka qaadan lahaayeen maamulka Galmudug.
Arrintan ayaa imaneysa iyadoo ay jiraan dareen siyaasadeed oo sii kordhaya oo u dhexeeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, looga baahan yahay inuu feejignaado waxa ay ku tilmaameen “dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed” oo ka imanaya dhinaca dowladda dhexe, gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale, qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa soo jeediyay in Qoorqoor uu qaado tallaabooyin siyaasadeed oo la mid ah kuwii uu horay u qaaday Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ku dhawaaqay hannaan doorasho dadban.
Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed ama maamulka Galmudug oo si cad uga hadlaya arrintan.









