Sawirro:- Madaxweyne Laftagareen oo soo bandhigay ciidamo la dagaalamaya mucaaradkiisa

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta si rasmi ah Tababar ugu u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, kuwaas oo loo diyaariyey xoojinta amniga deegaannada Koonfur Galbeed.
Cutubyadan ayaa intii uu tababarku usocday lagu baray xirfado muhiim ah oo la xiriira ilaalinta amniga, la dagaallanka falalka lidka ku ah nabadda, iyo taageeridda howlaha dowladnimada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidanka dadaalkooda, wuxuuna ku dhiirrigeliyay inay si hufan oo daacadnimo leh u gutaan waajibaadkooda ee ah ka hortaga cid waliba oo lid ku ah dowladnimada koonfur galbeed.
Mudane Laftagareen ayaa sidoo kale xusay in Dowlad Koonfur Galbeed ay ka go’an tahay xoojinta tayada iyo tirada ciidamada ammaanka, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar guud oo laga gaaro gobolka isagoo uga mahadceliyey Ciidanka AUSSOM gaar ahaan Dowlada Itoobiya oo gacan ka gaysanaysa tababarka ciidanka.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhammaan Wasiirada, saraakiisha amniga iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed sida ay u garab taaganyihiin ciidamada oo u taagan ka hortaga duulanka cad ee ay kusoo qaaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ciidamadan tababaray Dowladda Itoobiya oo saaxiibo dhow la’ah madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Xilliga tababarka ciidamadan loo soo xiray ayaa kusoo beegmay waqti uu khilaaf xoogan ka dhex-jiro dowladda Soomalaiya iyo Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo laga cabsi qabo maalmaha soo socda in uu osku bedelo gacan ka hadal.










