LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Waa sidee saaka xaaladda Baydhabo kadib dagaal ka dhacay?

Xaaladda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa la soo sheegayaa inay degan tahay, kadib dagaal culus oo duleedka magaalada ku dhexmaray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kooxaha mucaaradka.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la tilmaamay in labada dhinac ay guulo ka kala sheegteen, inkastoo wararka ay muujinayaan in weerarka uu bilaabay Maamulka Koonfur Galbeed.

Magaalada Baydhabo ayaa maanta laga dareemayaa xasillooni, iyadoo la galay maalintii labaad ee Ciidda, isla markaana ay si caadi ah u socdaan isku socodka dadka iyo gaadiidka. Suuqyada iyo goobaha ganacsiga ayaa dib u furmay, waxaana muuqata nolol maalmeedka oo si tartiib ah ugu soo laabanaya sidii caadiga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa jirta cabsi ay qabaan dadka deegaanka, maadaama ciidamada mucaaradka ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, taasoo keentay walaac la xiriira suuragalnimada dagaallo kale oo dib u qarxa.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed weli kama aysan hadlin si rasmi ah xaaladda dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay, halka dadka rayidka ah ay ugu baaqayaan dhinacyada dagaallamaya inay ka fogaadaan colaadda si loo ilaaliyo amniga iyo xasilloonida magaalada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *