LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sawirro:- Maamulka Gobolka Bakool oo ka horyimid Maamulka Koonfur Galbeed kuna biiray Dowladda Soomaaliya

Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si rasmi ah uga hor yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo sheegay in aysan mar dambe hoos imaan doonin maamulkaasi.

Mas’uuliyiinta labada maamul ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u taageersan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah ula shaqeyn doonaan hay’adaha federaalka ilaa laga soo dhisayo maamul ay ku tilmaameen mid sharciyad buuxda leh oo matala shacabka deegaannadaas.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay garab taagan yihiin dastuurka dalka, kaas oo dhowaan uu ansixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay xuseen in tallaabadooda ay tahay mid lagu xoojinayo dowladnimada iyo kala dambeynta dalka.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay dowladda federaalka waddo dadaallo ay dib ugu habeynayso maamullada degmooyinka ee deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo qaar ka mid ah maamulladaasi ay horey ugu biireen dhinaca dowladda dhexe.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegayaa inuu wado abaabul ciidan iyo qorshayaal uu kaga hortagayo waxa uu ku tilmaamay faragelin kaga imaaneysa dowladda federaalka, taas oo sii xoojineysa xiisadda siyaasadeed ee ka jirta deegaannada maamulkaasi.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan tallaabooyin dheeraad ah oo ay qaadaan dhinacyada isku haya maamulka iyo awoodda deegaannada Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *