Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku baaqay bannaanbax ka dhan ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka ku nool magaalada Muqdisho, gaar ahaan qoysaska laga barakiciyay guryahooda, inay sameeyaan bannaanbaxyo nabadeed si ay u muujiyaan cabashadooda.
Qoraal uu Xildhibaanku ku daabacay baraha bulshada ayuu ku sheegay in xaaladda barakaca ay tahay mid u baahan falcelin degdeg ah oo ay hormuud ka noqdaan dhallinyarada kasoo jeeda qoysaska ay saameysay. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in la abaabulo dibadbaxyo nabadeed, kulamo waaweyn, iyo dhaqdhaqaaqyo kale oo sharci ah si loo difaaco xuquuqda dadka barakacay.
“Waxaa lagama maarmaan ah in dhallinyarada wiilal iyo gabdho kasoo jeeda qoysaska la barakiciyey ay is abaabulaan oo ay qabtaan dibadbaxyo nabadeed, kulamo waaweyn, iyo dhaqdhaqaaqyo ay xaqooda kaga dhacsanayaan taliska waqtigiisu dhammaanayo,” ayuu yiri Xildhibaanku.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay dowladda in ay ka gaabisay ilaalinta iyo daryeelka dadka danyarta ah, isagoo sheegay in barakicinta ka socota Muqdisho ay sii kordhinayso dhibaatooyinka nololeed ee qoysaska tabaaleysan.
Baaqan ayaa kusoo aadaya xilli ay soo kordhayaan cabashooyinka la xiriira barakac ka dhacaya qaybo ka mid ah caasimadda, iyadoo qoysas badan ay sheegayaan in si qasab ah looga saaray guryahoodii iyagoo aan helin meel kale oo ay degaan, iyada oo Guryahoodii laga iibiyay Dad Ganacsato ah.










