LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Soomaaliya oo xilkii ka qaaday taliyihii Booliska Gobolka Baay kadib markii…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Baay, Amiin Maxamed Cusmaan, iyadoo isla markaana u magacawday xilkaasi Gaashaanle Dhexe Sadiiq Doodishe, oo ka mid ah saraakiisha Booliska ee ka howlgalla magaalada Muqdisho.

Gaashaanle Dhexe Sadiiq Doodishe ayaa hore u soo noqday Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isagoo khibrad u leh arrimaha warbaahinta iyo howlaha ammaanka.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Baay, Amiin Mad Daruurow, uu ka mid ahaa saraakiil ay u yeertay Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse uu diiday inuu u hoggaansamo amarkaasi, taasoo sii xoojisay xiisadda ka dhex aloosan dhinacyada.

Dhanka kale, lama oga sida uu Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Baay, Sadiiq Doodishe, ugu suurtageli doono inuu si rasmi ah u tago magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka, maadaama uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

Khilaafkaan ayaa saameyn ku yeeshay arrimo badan oo ay ka mid yihiin maamulka iyo amniga gobolka, iyadoo la filayo in magacaabistan cusub ay sii hurin karto xaaladda cakiran ee ka taagan Baay iyo guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *