Xog Cusub:- Wiil uu dhalay Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka mid ahaa raggii weeraray Godka Jilacow

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay muuqaal cusub oo ay ku faahfaahinayso weerarkii lagu qaaday xarunta Godka Jilacow ee magaalada Muqdisho, kaasoo dhacay 5-tii Oktoobar 2025.
Muuqaalka ayaa lagu sheegay in weerarkaasi ay fuliyay koox gaar ah oo si qorsheysan u abaabulan, iyadoo Al-Shabaab ay sheegeen in mid ka mid ah ragga weerarka fuliyay uu ahaa wiil uu dhalay afhayeenka kooxda, Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere). Wiilkaasi ayaa lagu magacaabay Cabdiraxmaan Sheekh Cali, kaasoo sida ay sheegtay kooxda door muuqda ku lahaa howlgalka.
Sidoo kale, muuqaalka ayaa lagu soo bandhigay laba nin oo ajaanib ah oo la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerarka. Mid ka mid ah raggaasi ayaa lagu sheegay inuu u dhashay Tanzania, halka kan kalena lagu sheegay inuu kasoo jeedo Itoobiya, gaar ahaan qowmiyadda Oromada. Arrintan ayaa muujinaysa in kooxda ay wali ku tiirsan tahay dagaalyahanno ajaanib ah.
Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Cali Dheere oo garabka ka heysta Wiilkiisa ayaa sheegay in Wiilkaan uu aad u jecel yahay wax walbana uu baray kana mid yahay Dadka difaacaya Kitaabka Alle , isla markaana iyada oo aan la qasbin uu Go’aansaday ka qeyb-galka weerarka ay Godka Jilacow ka fuliyeen Al-Shabaab kuna faraxsan yahay.
Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Waalidiin badan ay Carruurtooda geeriyoodeen, iyaga oo gaalo ah kuwo kalena ay Badda ku dhintay, iyaga oo tahriibaya, wuxuuna wiilkiisa Cabdiraxmaan Sheekh Cali uu ugu duceeyay in uu gaaro meesha uu rabo, iyada oo hadal-heyn badan ay dhalisay tallaabada uu qaaday Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab.
Weerarka Godka Jilacow ayaa ahaa mid si weyn loo qorsheeyay, waxaana la sheegay in lagu fuliyay gaari lagu xardhay calaamadda Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), si loo marin habaabiyo ilaalada iyo amniga goobta. Sidoo kale, ragga weerarka fulinayay ayaa xirnaa dareys u eg kan ay isticmaalaan ciidamada nabad sugidda, taasoo sahashay inay si fudud ugu dhowaadaan bartilmaameedka.
Xarunta Godka Jilacow oo ka tirsan xarumaha muhiimka ah ee amniga ayaa horey u martigelisay howlgallo muhiim ah oo la xiriira la dagaallanka kooxaha hubeysan, taasoo ka dhigaysa bartilmaameed muhiim u ah Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta cusub ee ay kooxda soo bandhigtay, hase yeeshee weerarkaasi ayaa markiisii hore sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ciidamada amniga ay sheegeen inay ka hortageen waxyeello ka sii weynayd.
Falanqeeyayaal amni ayaa sheegaya in adeegsiga xeeladaha sida iska dhigidda ciidamada dowladda iyo isticmaalka gaadiid calaamadaysan ay muujinayaan heerka qorsheynta iyo isku dayga kooxda ee ay ku doonayso inay ku jebiso nidaamyada amniga.










