Madaxweyne Cirro oo Ammar dul-dhigay Ganacsatada Somaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ugu baaqay ganacsatada inay xaddidaan kororka qiimaha badeecadaha, isagoo tilmaamay in sare u kaca qiimaha shidaalka iyo raashinka ee caalamka uu si weyn u saameeyay nolosha shacabka.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay khudbad uu u jeediyay bulshada kadib salaaddii Ciidul Fidriga, isagoo xusay in caqabadaha ka jira sahayda caalamiga ah iyo colaadaha dunida ay horseedeen hoos u dhac ku yimaada helitaanka badeecadaha muhiimka ah iyo kor u kaca qiimahooda.
“Waxaan ganacsatada ku boorinayaa inay ka fogaadaan kordhin aan loo baahnayn oo lagu sameeyo qiimaha. Waa in kororka lagu saleeyaa oo keliya isbeddelka ka imanaya suuqyada caalamka,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Cabdiraxmaan Cirro ayaa carrabka ku adkeeyay in inkastoo ay jirto cadaadis ka imanaya qiimaha caalamiga ah, haddana aysan habboonayn in si xad dhaaf ah loo kordhiyo qiimaha gudaha, maadaama ay taasi sii kordhinayso culayska dhaqaale ee haysta shacabka.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku taliyay in la xoojiyo kaydinta badeecadaha daruuriga ah sida shidaalka iyo raashinka, isagoo ka digay in carqaladaha ku yimaada maraakiibta iyo isu socodka ganacsiga ay mustaqbalka saameyn ku yeelan karaan sahayda dalka.
Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay wada shaqeyn dhexmarta ganacsatada iyo dowladda si loo ilaaliyo xasilloonida suuqyada iyo daryeelka bulshada.









