DEG DEG: Dagaal ka socda degaaan katirsan Gobolka Baay, Ciidamada Koonfur Galbeed oo weerar qaaday

Wararka laga helayo degaanka Habar-Doy oo ka tirsan koonfurta Deynuunay ee gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa mucaarad ah oo isku magacaabay Badbaadada Koonfur Galbeed.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidamada mucaaradka ee ku sugan degaanka Habar-Doy. Ilo deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in labada dhinac ay weli isku horfadhiyaan goobta, islamarkaana la maqlayo rasaas culus oo mararka qaar ka dhacaysa aaggaas.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in dagaalka uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin tirada saxda ah ee waxyeellada ka dhalatay iska horimaadka.
Dhanka kale, xaaladda amni ee magaalada Baydhabo ayaa isbedel weyn galay, iyadoo ciidamada Itoobiya ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ay hore u maamuli jireen ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed. Tallaabadan ayaa timid xilli ciidamada Daraawiishta loo daadgureeyay furimaha dagaalka si ay uga qeyb qaataan howlgalka ka socda degaano hoostaga Magaalada Baydhabo.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed ama saraakiisha ciidamada mucaaradka ee ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.
Wararka kusoo kordha kala socda halkan









