Gaadiidleyda Galmudug oo hal arrin darteed Shaqo joojin ugu dhawaaqay

Inta badan gaadiidleyda ka shaqeysa degaannada iyo degmooyinka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku dhawaaqay shaqo joojin ballaaran, kaddib markii uu sare u kac ku yimid qiimaha shidaalka.
Darawallada ayaa sheegay in qiimaha halkii litir ee shidaalka uu gaaray inta u dhaxeysa 1.5 ilaa 2 dollar, taasoo ay ku tilmaameen mid aad u qaali ah oo aan la awoodi karin. Waxay sidoo kale xuseen in xaaladdaasi ay ka dhigtay mid aan suuragal ahayn inay sii wadaan shaqadooda, maadaama shacabka ay diidan yihiin inay bixiyaan lacag dheeraad ah oo ka dhalata qiimo kororka.
Shaqa joojintan ayaa si weyn u saameysay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo culays gaar ah uu soo wajahay shacabka iyo ganacsatada ku nool degaannada Galmudug, kuwaas oo ku tiirsanaa gaadiidkaasi si ay ugu kala safraan magaalooyinka iyo miyiga.
Ilaa iyo hadda, mas’uuliyiinta maamulka Galmudug kama aysan hadlin tallaabooyin rasmi ah oo lagu xakameynayo qiimaha shidaalka ama lagu xallinayo cabashada gaadiidleyda. Arrintan ayaa imaneysa xilli maamullada kale sida Puntland, Jubbaland iyo Somaliland ay hore u qaadeen tallaabooyin la xiriira yareynta saameynta qiimo kororka shidaalka.
Shacabka ayaa walaac ka muujinaya xaaladda, iyagoo ka cabsi qaba in haddii aan xal degdeg ah la helin ay sii xumaan doonto nolosha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee degaannada Galmudug.









