LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Xildhibaano ka tirsan labada aqal oo ku xayiran garoonka Aadan-Cadde

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed (KGS), ayaa lagu soo waramayaa inay ku xayiran yihiin garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii laga hor istaagay inay u safraan magaalada Nairobi.

Xildhibaanadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si toos ah u joojisay safarkooda, iyaga oo aan helin wax fasiraad rasmi ah oo ku saabsan sababta loo xanibay.

Arrintan ayaa dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan xiriirka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa tilmaamaya in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed ay sii xoogeysaneyso maalmihii la soo dhaafay, iyadoo arrintan cusub ay ka mid tahay dhacdooyinka muujinaya khilaafka sii kordhaya.

Ilaa iyo hadda, dowladda Soomaaliya kama aysan bixin wax war rasmi ah oo ku saabsan sababta xildhibaanadan looga hor istaagay safarkooda, balse arrintan ayaa la filayaa inay saameyn ku yeelato xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintan kala soco boggeena.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *