LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Agaasimihi hore ee NISA Sanbaloolshe oo ka degay Tareenka Madaxweyne Xasan Sheekh dhaliilayna…

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), ayaa si cad u dhaliilay habka ay dowladda Federaalka u maareyneyso xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo tilmaamay in aysan ahayn mid sax ah.

Sanbaloolshe oo qoraal uu ku daabacay baraha bulshada ayaa ku sheegay in jihada hadda lagu wado siyaasadda dalka ay u baahan tahay dib-u-eegis degdeg ah, si looga fogaado qalalaase iyo khilaafyo hor leh. Inkastoo uusan si faahfaahsan u bixin qodobbada uu dhaliilayo, haddana hadalkiisa ayaa si weyn looga hadal hayaa fagaarayaasha siyaasadda.

Xildhibaanka ayaa lagu tiriyaa siyaasiyiinta u dhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, hase yeeshee hadalkan cusub ayaa muujinaya isbeddel ku yimid mowqifkiisa, iyadoo falanqeeyayaal badan ay u arkaan inuu ka sii fogaanayo siyaasadda madaxtooyada.

Dadka odorosa siyaasadda ayaa sheegaya in hadalka Sanbaloolshe uu kusoo beegmayo xilli ay jiraan cadaadisyo siyaasadeed oo isa soo taraya iyo khilaaf xoogan oo u dhaxeeya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kaas oo ku dhow in uu gacan ka hadal isku bedelo lagana digayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *