LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Khilaaf ka dhex-qarxay hoggaanka Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP

Khilaaf siyaasadeed oo aad u xooggan ayaa ka dhex qarxay hoggaanka Xisbiga JSP, oo uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo warar soo baxaya ay tilmaamayaan in xubno badan oo miisaan culus ku lahaa xisbiga ay qorsheynayaan inay iska casilaan xubin-nimadooda maalmaha soo socda.

Khilaafkan ayaa salka ku haya ismaandhaaf soo kala dhex galay Madaxweynaha oo ah Guddoomiyaha xisbiga iyo Xoghayaha Guud ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, kaas oo sii xoogeysanayay toddobaadyadii u dambeeyay.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii uu xisbiga iska casilay Guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga, ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen, isaga oo ay wehliyaan xildhibaano dhowr ah oo laga soo doorto deegaanada maamulkaas. Xubnahan ayaa si cad uga horyimid waxa ay ku tilmaameen faragelin ay dowladda federaalka ku hayso arrimaha gudaha ee Koonfur Galbeed.

Falanqeeyayaal siyaasadeed ayaa aaminsan in khilaafkan uu ahaa mid la saadaalin karay, maadaama xubnaha xisbiga intooda badan ay ku mideysnaayeen dano siyaasadeed oo gaar ah, halkii ay ka wadaagi lahaayeen aragti mideysan oo ku aaddan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed.

Wararka la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in dadaallo ay wadeen ganacsato iyo siyaasiyiin kale oo isku dayay inay dhexdhexaadiyaan labada dhinac ay fashilmeen. Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijinaya in ku dhawaad 25 xubnood ay qorsheynayaan inay si rasmi ah uga baxaan xisbiga, taasoo halis weyn gelin karta jiritaanka iyo awoodda siyaasadeed ee Xisbiga JSP.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxalad kala-guur ah, islamarkaana ay soo dhow yihiin doorashooyinka, taasoo ka dhigeysa xaaladda mid sii murugsan oo saameyn ku yeelan karta mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aanno iyo tallaabooyin cusub oo ay qaadi doonaan xubnaha xisbiga, kuwaas oo si weyn u saameyn kara jihada siyaasadda Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *