Feysal Cali Waraabe oo weerar Afka ah ku qaaday Israa’iil oo dhawaan aqoonsatay Somaliland

Siyaasiga reer Somaliland ee Faysal Cali Waraabe ayaa baaq u diray dalalka Carabta iyo guud ahaan waddamada Islaamka, isagoo ugu baaqay in aysan la shaqayn Benjamin Netanyahu iyo Donald Trump, kuwaas oo uu ku eedeeyay in ay weerar “qaawan oo arxan darro ah” ku qaadeen dalka Iran.
Waraabe ayaa sheegay in weerarradaasi aysan ku koobnayn shacabka Iiraan oo keliya, balse ay saameyn ku yeelanayaan dhammaan dalalka Carabta. Wuxuu tilmaamay in ujeeddada ka dambeysa ay tahay in la abuuro colaad toos ah oo dhex marta dalalka Carabta iyo Iiraan, taas oo keeni karta burbur dhaqaale, gaar ahaan haddii la beegsado goobaha shidaalka.
“Colaaddan haddii ay sii fido waxay halis gelin kartaa xasilloonida gobolka, iyadoo keeni karta in dalalka Carabta ay noqdaan kuwo daciifa, sabool noqda, isla markaana horumar ahaan dib u dhac ku yimaado,” ayuu yiri.
Sidoo kale, Waraabe ayaa kula taliyay dowladaha Carabta iyo Islaamka in ay qaataan mowqif dhexdhexaad ah, ayna diiradda saaraan dejinta xiisadda halkii ay ka qayb qaadan lahaayeen hurinta colaadda. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda wadahadal iyo xal waara oo labada dhinacba anfaca.
Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Muslimiinta in ay ka shaqeeyaan midnimo iyo xal siyaasadeed oo lagu xallin karo khilaafka, isagoo Alle uga baryay in uu ka badbaadiyo ummadda Muslimka ah fitnada iyo colaadaha sii kordhaya.
War-saxaafadeedkan ayaa imaanaya xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa militari ee Bariga Dhexe, taas oo walaac ku abuurtay beesha caalamka.









