Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Maamulka Koonfur Galbeed oo kala diray Maamulkii degmada Xudur kadib markii…
    LATEST NEWS

    Maamulka Koonfur Galbeed oo kala diray Maamulkii degmada Xudur kadib markii…

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor21 March 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mohamed Isxaaq Cusmaan Fanax, ayaa si rasmi ah u kala diray maamulka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

    Go’aankan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka, taariikhduna ku beegan tahay 21-ka Maarso 2026, taas oo lagu cadeeyay in maamulka degmada Xudur uu lumiyay sharciyaddii uu ku shaqeynayay.

    Sida lagu sheegay qoraalka, tallaabadan ayaa timid kadib markii maamulka degmada Xudur ay ku dhawaaqeen inay ka hor yimaadeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana ay sheegeen inay si toos ah ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay jebineyso nidaamka dowladnimada iyo kala dambeynta maamulka, isla markaana aan la aqbali karin in maamul hoosaad uu ka madax bannaanaado dowlad goboleedka uu hoos yimaado.

    Sidoo kale, warqadda ayaa lagu faray hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee dowladda inay la wareegaan maamulka degmada, isla markaana la sugo amniga iyo kala dambeynta magaalada Xudur.

    Dhanka kale, wasiir Fanax ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah xilka maamulka degmada loogu wareejiyay guddoomiyaha Gobolka Bakool, Mohamed Ahmed Mohamed, ilaa laga soo magacaabayo maamul cusub.

    Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa inay la wareegto Maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed oo qaarkood u suurto gashay iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo hadda ku jira sidii uu uga hortegi lahaa qorsho kasta oo ka dhan ah Maamulkooda oo ay wado Dowladda Soomaaliya.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMadaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku hanjabay inay iska difaacayaan weerarada Dowladda Soomaaliya
    Next Article Dil Caawa ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo faah faahino laga helayo
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d