LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo kala diray Maamulkii degmada Xudur kadib markii…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mohamed Isxaaq Cusmaan Fanax, ayaa si rasmi ah u kala diray maamulka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Go’aankan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska wasiirka, taariikhduna ku beegan tahay 21-ka Maarso 2026, taas oo lagu cadeeyay in maamulka degmada Xudur uu lumiyay sharciyaddii uu ku shaqeynayay.

Sida lagu sheegay qoraalka, tallaabadan ayaa timid kadib markii maamulka degmada Xudur ay ku dhawaaqeen inay ka hor yimaadeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, isla markaana ay sheegeen inay si toos ah ula shaqeynayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa tilmaamay in arrintan ay jebineyso nidaamka dowladnimada iyo kala dambeynta maamulka, isla markaana aan la aqbali karin in maamul hoosaad uu ka madax bannaanaado dowlad goboleedka uu hoos yimaado.

Sidoo kale, warqadda ayaa lagu faray hay’adaha amniga iyo kuwa kale ee dowladda inay la wareegaan maamulka degmada, isla markaana la sugo amniga iyo kala dambeynta magaalada Xudur.

Dhanka kale, wasiir Fanax ayaa ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah xilka maamulka degmada loogu wareejiyay guddoomiyaha Gobolka Bakool, Mohamed Ahmed Mohamed, ilaa laga soo magacaabayo maamul cusub.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Soomaaliya oo isku dayeysa inay la wareegto Maamulada degmooyinka Koonfur Galbeed oo qaarkood u suurto gashay iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo hadda ku jira sidii uu uga hortegi lahaa qorsho kasta oo ka dhan ah Maamulkooda oo ay wado Dowladda Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *