Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u raadinaya dagaalka uu la galayo Madaxweyne Laftagareen kuna wajahan…

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu maalinta Isniinta u safro magaalada Addis Ababa, iyadoo ilo kala duwan ay sheegayaan in safarkaasi la xiriiro xaaladaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday maamulka Koonfur Galbeed.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Madaxweynaha uu doonayo inuu taageero ka helo dowladda Itoobiya, si wax looga qabto muranka siyaasadeed ee la xiriira hoggaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.
Dhanka kale, xiisado hore uga dhex taagnaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa weli saameyn ku leh xiriirka gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa hore uga dalbatay Itoobiya inay ka taageerto arrimaha Jubbaland, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in Itoobiya ay diiday codsigaasi isla markaana ay garab istaagtay Jubbaland.
Itoobiya ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay door ka qaadatay difaaca magaalada Doolow, isla markaana ay ciidamo iyo saanad milatari gaarsiisay magaalada Kismaayo, ka hor intii aanu dhicin weerarkii ka dhacay Raaskambooni.
Sidoo kale, ilo kala duwan ayaa sheegaya in dhaqdhaqaaqyada diblomaasiyadeed ee la xiriira safarka Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ay ku jiraan socdaalkiisii hore ee Sacudiga, ay door ku lahayd fududeynta safaaradda Itoobiya ee dalkaas, taasoo muujinaysa saameyn muuqata oo Itoobiya ku leedahay arrimaha siyaasadeed ee magaalada Baydhabo.
Ugu dambeyn, safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Maamulka koonfur Galbeed, kaas oo laga cabsi qabo in uu isku bedelo gacan ka hadal saameyn ku yeesha Dadka Shacabka ah ee kunool degaannada Koonfur Galbeed.









