LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ku hanjabay inay iska difaacayaan weerarada Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si adag uga hadlay xiisadda sii kordheysa ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Maamulkiisa, isaga oo ku eedeeyay dowladda dhexe inay wado waxa uu ku tilmaamay “duulaan qaawan oo mooryaanimo ah”.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad maanta ka dhacday Baydhabo, halkaas oo uu kula hadlayay ciidamo tababar loogu soo xiray. Wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed aysan ka baqeyn wax uu ku tilmaamay faragelin uga imaaneysa DFS, isla markaana ay diyaar u tahay inay iska difaacdo.

“Laftagareen” ayaa yiri: “Koonfur Galbeed ma baqeyso, waxaa dagaal mooryaanimo ah kusoo qaaday Dowladda Federaalka oo adeegsaneysa dad deegaanka u dhashay, arrintaasna kama aqbaleyno.”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay DFS inay kala qeybineyso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mas’uuliyiinta degmooyinka Koonfur Galbeed, isagoo sheegay in mid kasta si gaar ah loola xiriiro, taas oo uu ku tilmaamay qorshe lagu wiiqayo maamulka.

Wuxuu intaas ku daray in dhulka Koonfur Galbeed uu ka bilaabmo deegaanka Ex-koontorool Afgooye ilaa Gedo, isaga oo ciidamada ugu baaqay inay si buuxda u difaacaan deegaannadooda.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli uu cirka isku shareerayo khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo saameyn ku yeelan kara xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *