LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dil Caawa ka dhacay Magaalada Beledweyne iyo faah faahino laga helayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhow dil ka dhacay gudaha Suuqa Daraawiishta ee magaaladaasi, iyada oo lagu dilay mid kamid ah Dhalinyarada Caanka ka ah magaalada.

Sida ay sheegayaan ilo deegaanka ah, wiil dhalinyaro ah ayaa lagu dilay suuqa, kadib markii uu weerar ku qaaday wiil kale oo la sheegay in ay is yaqaaneen. Eedeysanaha falka geystay ayaa isla goobta ka baxsaday kadib dilka, lamana oga halka uu u baxsaday.

Laamaha ammaanka ee magaalada Beledweyne ayaa durba bilaabay howlgal ay ku baadi-goobayaan ninka falkaasi geystay, iyagoo ku howlan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa si sharciga loo horkeeno.

Maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, hase yeeshee waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Beledweyne ay ka jireen falal amni darro oo mararka qaar ka dhaca gudaha magaalada, kuwaas oo walaac ku abuuray shacabka ku dhaqan halkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *