DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Khasaaro xoogan oo ka dhashay weerar Iran ku qaaday Israa’iil

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in in ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen weerar xalay ka dhacay magaalada Dimona, oo ah goob muhiim u ah barnaamijka nukliyeerka ee dalkaas. Weerarkan ayaa la sheegay in ay fulisay dowladda Iran, inkastoo faahfaahin dheeraad ah weli la sugayo.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, weerarka ayaa sababay khasaare isugu jira dhaawacyo iyo burbur hantiyeed, iyadoo ciidamada ammaanka iyo kuwa gurmadka degdegga ah si dhaqso ah uga hawlgaleen goobta. Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla nawaaxiga Dimona si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Ilaa hadda, dowladda Ira*n si rasmi ah ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay, hase yeeshee xiisadda u dhaxeysa labada dal ayaa muddooyinkii dambe sii kordheysay. Khubarada arrimaha gobolka ayaa ka digaya in dhacdadan ay sii hurin karto xaaladda amni ee Bariga Dhexe.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa ku hanjabtay inay ka jawaabi doonto weerarkan, iyadoo adkeysay inay difaacan doonto amniga dalkeeda iyo muwaadiniinteeda. Beesha caalamka ayaa lagu wadaa inay si dhow ula socoto xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in xiisaddu isu beddesho dagaal ballaaran.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *