LATEST NEWSLOCAL NEWS

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigtay sawirada Saraakiisha iyo Askartii ku geeriyootay dagaalkii ka dhacay Deynuunaay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in dagaal jid-gooyo ah oo ay Al-Shabaab la galeen Ciidanka Xoogga Dalka uu sababay dhimashada ugu yaraan 6 askari iyo sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Fatiir. Dagaalkan ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmooyinka Buurhakaba iyo Baydhabo ee gobolka Bay.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, oo sidoo kale ka mid ahaa mas’uuliyiintii hoggaaminaysay howlgalka, ciidamada dowladda ayaa la kulmay weerar qorsheysan oo jid-gooyo ah, kaas oo ay Al-Shabaab u dhigeen deegaanka Daynuuney.

Safiirka ayaa sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo dhammaan saraakiishii iyo askartii ku geeriyootay weerarkaasi, isagoo si gaar ah u xusay reer Buurhakaba iyo ehelladii uu ka baxay Gaashaanle Fatiir. Wuxuu Alle uga baryay in uu samir iyo iimaan ka siiyo qoysaska ay ka baxeen geesiyaashaasi.

“Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa ehelada iyo qaraabada askartii iyo saraakiishii ku shahiiday weerarka. Caruurtii ay ka tageenna, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa damaanad qaadi doonta masuuliyadda barbaarintooda,” ayuu yiri Safiir Ilyaas.

Dhinaca kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada Xoogga Dalka ay khasaaro xooggan gaarsiiyeen Al-Shabaab intii uu socday dagaalkaasi, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin tirada dhimashada kooxda.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah dagaallada sii xoogeysanaya ee u dhexeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab, gaar ahaan deegaanada gobolka Bay, halkaas oo marar badan ay ka dhacaan weeraro jid-gooyo iyo dagaallo toos ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *