LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dil loo geystay Nabaddoon Shir Beeleed uga qeyb galay degmada Marka

Kooxo hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe ku dhex dilay Gurigiisa Allaha u naxariistee Nabadoon Shuute Abuukar Cusmaan, oo kamid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Marxuumka ayaa deganaa tuulada Fadimuuse oo hoostagta degmada Lambar 50, waxaana uu door muuqda ku lahaa arrimaha nabadaynta iyo dhaqanka deegaanka. Nabadoonka ayaa sidoo kale kamid ahaa odayaashii dhawaan ka qeyb galay shirkii Dhurqabe 2 ee beelaha Biyamaal, kaas oo lagu qabtay degmada Marka.

Guddoomiyaha degmada Lambar 50, Maxamed Maxamuud, oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sameeyeen howlgal degdeg ah kadib dilka, islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen rag lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen falkaas.

Dilkan ayaa si weyn uga naxiyay shacabka ku nool gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli aysan jirin cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Hay’adaha ammaanka ayaa wada baaritaanno dheeraad ah si loo ogaado sababta ka dambeysay dilka iyo cidda qorsheysay, iyadoo bulshada deegaanka ay dalbanayaan in si degdeg ah cadaaladda loo horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *