Khilaaf ka taagan cidda si ku-meel-gaar ah u hoggaamin doonta Koonfur Galbeed

Shir maanta ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa ka soo baxay dood culus oo ku saabsan cidda si ku-meel-gaar ah u hoggaamin doonta dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, kaddib is-casilaaddii madaxweynihii hore ee maamulkaasi.
Doodda ayaa si gaar ah u dhex martay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, iyo xubno kale oo siyaasad ahaan daneynaya hoggaanka Koonfur Galbeed. Aadan Madoobe ayaa soo jeediyay in isaga loo magacaabo sii-hayaha xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, isagoo si cad uga soo horjeestay in xilka lagu sii hayo wasiir Axmed oo hadda kusime ka ah jagadaasi, isla markaana ay isku hayb hoose yihiin.
Dhanka kale, musharrixiin kale oo isku duuban ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta Aadan Madoobe, iyagoo ku dooday in xilka ku-meel-gaarka ah loo daayo Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen. Waxay sheegeen in Axmed uu yahay shaqsi ku habboon in uu hoggaamiyo marxaladda kala-guurka, maadaama uusan si toos ah uga mid ahayn musharrixiinta tartameysa xilka madaxweynaha.
Wararka laga helayo shirka ayaa sidoo kale tilmaamaya in Aadan Madoobe uu si buuxda uga soo horjeedo Axmedka hadda kusimaha ah, isla markaana uu soo jeediyay in haddii isaga loo diido xilka sii-hayaha, aan xilka loo dhiibin Axmed balse loo xusho shaqsi kale.
Arrintan ayaa dhalisay xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysan karta, taasoo saameyn ku yeelan karta hannaanka doorashada iyo xasilloonida siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Falanqeeyayaal ayaa ka digaya in khilaafkan uu wiiqi karo isku dayada lagu doonayo kala-guur hufan, isla markaana uu saameyn ku yeelan karo fursadaha musharrixiinta qaarkood, gaar ahaan Aadan Madoobe oo laga yaabo inuu waayo taageerada uu u baahan yahay si uu ugu guuleysto xilka madaxtinimada maamulkaasi.









