LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Duqeyn lagu burburiyay Xarunta Shirkad Korontada siisa degaanka Kuunya-barow, Xilli NISA ay shaacisay…..

Wararka laga helayo degmada Kuunyo-Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay sababtay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Duqeynta oo dhacday shalay duhurnimadii ayaa lagu beegsaday xarun ay lahayd shirkadda korontada ee lagu magacaabo Kuunyo Electric Company (KECO), taas oo koronto siin jirtay kumanaan qoys oo ku nool magaalada iyo deegaannada ku xeeran.

Inta la xaqiijiyay, hal qof ayaa ku dhintay weerarka, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, waxaa gabi ahaanba burburay matoorkii korontada iyo dhismihii xarunta shirkadda, taasoo saameyn weyn ku yeelatay adeegii koronto ee deegaanka.

Dhanka kale, NISA ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in duqeyntu ay burburisay xarun qarsoodi ah oo ay isticmaali jireen kooxda Al-Shabaab, taasoo lagu diyaarin jiray walxaha qarxa.

Wararka is khilaafsan ee ka imanaya dhacdadan ayaa muujinaya farqiga u dhexeeya sheegashada rasmiga ah iyo saameynta muuqata ee ka dhalatay duqeynta, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in goobta la beegsaday ay ahayd xarun adeeg bulsho.

Illaa hadda, ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxday dhinacyada Mareykanka ee ku saabsan duqeyntan iyo bartilmaameedkeeda rasmiga ah. Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay sii kordhayaan howlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda qaybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *