Xog: Dowladda oo xilka ka qaadeysa mid kamid ah Saraakiisha Maamulkii Laftagareen ee ammar diido sameeyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa lagu soo waramayaa inay qorsheyneyso isbedel dhanka hoggaanka ah oo ka dhaca hay’adaha ammaanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan taliska nabadsugida.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in DFS ay damacsan tahay in xilka laga qaado Taliyaha Nabadsugida Koonfur Galbeed, Gaashanle Sare Mohmuud Mohamed Hassan Shaahiyow, kadib markii uu diiday amar u yeeris ah oo dhawaan uga yimid dowladda dhexe. Amar diidmadaasi ayaa la xiriirta khilaafkii u dhexeeyay DFS iyo maamulka Koonfur Galbeed ee hore.
Ilo xog ogaal ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in dowladda ay qorsheyneyso in xilkaasi loo magacaabo Macalin Saalax, oo hadda ah Taliyaha Guutada Ilaalada Shacabka ee Gobolka Banaadir. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee dib u habeynta hay’adaha ammaanka.
Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid ay DFS ku dooneyso inay meesha uga saarto saraakiishii la shaqeynayay maamulkii hore ee uu hoggaaminayay Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si xoog ah looga saaray magaalada Baydhabo xilli uu jiray isbedel siyaasadeed.
Horay waxaa ay Dowladda Soomaaliya xilkii uga qaaday taliyihii Booliska Gobolka Baay oo sameeyay amar diido, iyad aoo ku bedeshay Sadiiq Aadan doodishe oo noqday Taliyaha Booliska gobolka Baay, kana mid ah Saraakiishii sida awooda ah Magaalada baydhabo uga saaray Laftagareen iyo Maamulkiisii Koonfur Galbeed.









