LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiishii Laftagareen ka saaray Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan xasaasi ah xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Magaalada Baydhabo kula qaatay saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta howlgalkii mAl-Shabaab looga saaray wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, sidoo kalena Madaxweyne Laftagareen iyo Maamulkiisii kala wareegay Magaalada baydhabo oo ay wehliyaan saraakiisha qeybta 60-aad ee ciidanka Xooga Dalka iyo sidoo kale saraakiisha Ciidanka Deegaanka.

Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha amni ee Magaalada Baydhabo oo ay soo gaareen ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee Magaaladda Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan.

Saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay Al-Shabaab kaga saareen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyo xaalidihii ugu dambeeyey ee deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan Magaaladda Baydhabo ee caasimadda Kmg ah ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa saraakiisha iyo guud ayaa ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan uga mahadceliyey naf hurnimadooda ku aadan difaaca sharafka qaranimada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ee rabshadaha wata Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar, iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyees Cali Xasan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *