Xog: Laftagareen oo Go’aan kale qaatay, arrin cusub oo soo korortay
Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa la sheegay inuu wali ku adkaysanayo inuu yahay Madaxweynaha sharciga ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, inkastoo uu dhawaan qoraal ku muujiyay inuu iska casilay xilkaasi.
Ilo wareedyo ku dhow Laftagareen oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xaqiijiyay in mowqifkiisu uusan isbeddelin, isla markaana uu weli isu arko madaxweynaha saxda ah. Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan xubnihii la socday wafdigiisa ee ka ambabaxay Baydhaba ayaa xaqiijiyay xogtan.
Wararka ayaa sheegaya in Laftagareen uu qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku muujiyay inuu xilka iska casilay kahor inta uusan ka dhoofin Baydhaba. Si kastaba, qoraalkaasi ayaa la qariyay markii diyaaraddiisu ay caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport, inkastoo markii dambe dib loo soo celiyay.
Xildhibaan ka tirsan wafdigiisa ayaa sheegay in diyaaraddii ay saarnaayeen la hakiyay kahor inta aysan duulin, kadib markii saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ay ku hanjabeen in diyaaradda loo leexin doono Muqdisho. Wararka ayaa intaas ku daraya in shardi looga dhigay Laftagareen inuu si rasmi ah u qoro iscasilaaddiisa, taasoo keentay inuu si ku meel gaar ah u beddelo mowqifkiisa.
Dhanka kale, xaaladda ayaa sii cakirmeysa iyadoo la sheegayo in ciidamo taageersan Laftagareen ay isku urursanayaan degaanka Owdinle ee Gobolka Baay. Dhaqdhaqaaqyadan militari ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo suurtagalnimada isku dhacyo hor leh oo ka dhaca degaannada Koonfur Galbeed.









