ENTERTAINMENTLATEST NEWSWARARKA
Madaxweyne Deni oo xilalkii ka qaaday Wasiiradii ka difaaci jiray Dowladda Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.001 kuna saabsan magacaabista xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Wasiirada :-
1. Abdirashiid Barkhadle Warsame
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Cabdi Xirsi Cali Qarjab
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
3. Maxamed Cabdiraxmaan Faroole
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.
4. Barre Yuusuf Faatax
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
5. Cabdifataax Ugaas Yaasiin.
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.
6. Hodon Siciid Xasan
Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska .
7. Farxaan Cali Xirsi
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .
8. Siciid Cali Jaamac Qorsheel.
Wasiirka Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Daaqa
9. Caydaruus Axmed Faarax
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .
10. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .
11. Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi Wasiirka Wasaaradda Gargaarka.
12. Cumar Cabdisamed Yuusuf Dhuux
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
13. Maxamuud Caydiid Dirir
Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada , Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Wasiir Ku-xigeennada: –
1. Axmed Maxamuud Axmed Qaxiye
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta.
2. Cabdirisaaq Cali Maxamuud.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta.
3. Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
4. Axmed Yaasiin Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda.
5. Maxamed Xasan Ibraahim
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
6. Musadaq Maxamed Musadaq
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada.
7. Maryan Cismaan Axmed (Fangase)
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.
8. Eng. Maxamed Cali Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekadaha.
9. Bille Maxamuud Axmed Qabowsade
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta .
10. Cabdirashiid Cabdiraaq Cabdi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda
11. Xasan Jaamac Ismaaciil
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa.
12. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha .
13. Maxamed Siciid Saalax
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada.
14. Axmed Siciid Qoloombi
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
15. Riyaad Axmed Cali
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka.
16. Maxamuud Maxamed Daad
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska.
Wasiiru Dowleyaasha:
1. Cabdifataax Maxamed Cabdinuur
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Gobolka iyo Federaaleynta.
2. Faarax Maxamuud Aw-cismaan
Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada ee arrimaha Qurbojoogta iyo Dib-u-dejinta.
3. Cabdiraxmaan Maxamuud Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta .
4. Maxamed Maxamuud Cismaan (Arbac)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda
5. Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta , Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah .
6. Cali Maxamed Cismaan
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka .
7. Eng Maxamed Ciise Lacle
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada .
8. Cabdiqani Axmed Ismaaciil Deero-dile.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda .
9. Maxamed Cabdikaafi Maxamed
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa .
10. Siciid Maxamed Awaare
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.
11. Amb Maxamed Axmed Cawil
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta , Macdanta iyo Biyaha .
12. Najiib Barkhad Warsame
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta
13. Mukhtaar Axmed Odey
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada .
14. Axmed Ibraahim Cawaale (Biid)
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga , Warshadaha iyo Maalgashiga .
* Xeerkan wuxuu dhaqangelaya marka uu Madaxweynuhu saxiixo, waana uu saxiixay.
Wasiirkii Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa iyo Wasiirkii Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Diri ayaa kamid ahaa Wasiirada sida weyn Dowladda Federaalka uga difaaaci jiray Puntland markii ay is khilaafaan, in kastoo Wasiirkii Warfaafinta loo wareejiyay Wasaarad kale.







