Trump oo markale weerar Afka ah ku qaaday Soomaaliya, malahan dowlad Shaqeysa.

Madaxweynaha dalkaMareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo muran dhaliyay ka sheegay Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dalka mid “aan lahayn dowlad shaqeysa, amni iyo nidaam dhaqaale oo sugan.”
Khudbad uu xalay jeediyay ayuu Trump ku sheegay in Soomaaliya ay tahay meel ay “dadku is dilaan had iyo jeer” isla markaana “aanay jirin horumar muuqda oo la taaban karo,hadalkaas oo si weyn uga careysiiyay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda.
Trump ayaa sidoo kale dhaliilay nidaamka dowladnimada, isagoo sheegay in aysan jirin hay’ado amni oo si buuxda u shaqeeya, isla markaana dhaqaalaha dalka uu yahay mid nugul.
Hadaladan ayaa imaanaya xilli dhowaan hoggaamiyayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si rasmi ah ugu mahadceliyeen Trump taageerada uu u muujiyay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo la dagaallanka argagixisada , balse Madaxweyne Trump uu mar kasta siweyn u dhalaalio Madaxda Soomaalida iyo Shacabkooda.
Falanqeeyayaal ayaa tilmaamaya in hadalka Trump uu qeyb ka yahay weerarrada afka ah ee uu caanka ku yahay, kuwaas oo marar badan uu ku beegsado dalal kala duwan, gaar ahaan kuwa soo koraya.
Dhanka kale, ilaa iyo hadda ma jirto wax war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo si toos ah uga jawaabaya hadalka Trump ee ugu dambeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, hadalkan ayaa mar kale iftiimiyay sida ay u kala fog yihiin aragtida siyaasiyiinta caalamiga ah iyo xaqiiqada ka jirta Soomaaliya, xilli dalku uu ku jiro dadaallo dib u dhis iyo xasilin ah.









