Madaxweyne Xasan Sheekh oo hal arrin darteed uga baaqday Safarkii Magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la sheegay in safar uu maanta ku tegi lahaa magaalada Baydhabo uu dib uga dhacay sababo la xiriira arrimo farsamo.
Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa tilmaamaya in dib u dhaca safarka Madaxweynaha uu la xiriiro diyaar garow dhinaca amniga iyo farsamooyinka safarka, iyadoo la filayo in dib loo qorsheeyo waqtiga uu ku tegi doono magaaladaas.
Magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Baay waxaa haatan ku sugan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo ciidamo aad u farabadan oo isugu jira kuwa dowladda iyo kuwa deegaanka. Ciidamadan ayaa la sheegay in lagu jiro howl dib-u-habeyn iyo nidaamin ah, si loo adkeeyo amniga inta uu socdo safarka Madaxweynaha.
Ilo wareedyo ayaa sidoo kale sheegaya in ay suuragal tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu berri u safro Baydhabo, marka la soo gabagabeeyo diyaargarowga socda.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid la xiriira arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta bulshada deegaanka iyo qabashada doorasho ay ku wada qanacsan yihiin dhammaan saamileyda siyaasadeed ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Safarkan ayaa imanaya xilli ay jiraan dadaallo xooggan oo lagu xoojinayo xasilloonida siyaasadeed iyo wada shaqeynta heerarka kala duwan ee dowladda iyo bulshada deegaanka









