LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Golaha Mustaqbalka oo Go’aan ka qaadanaya tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho, ay wadaan dadaallo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee dalka.

Golahan ayaa la filayaa in ay dhawaan yeeshaan kulan hordhac ah oo ay kaga arrinsanayaan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo kulankaas uu gogol xaar u noqon doono shir ballaaran oo qorshuhu yahay in bartamaha bishan lagu qabto gudaha dalka.

Ajandaha kulamadaas ayaa diiradda saaraya arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin nooca dowladnimo ee dalka yeelanayo, habraaca doorashooyinka soo socda, iyo sida loo maareynayo marxaladda kala guurka ah, xilli uu gabaabsi ku dhow yahay muddo xileedka Baarlamaanka 11aad ee federaalka.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in hoggaamiyeyaasha golahan aysan weli soo bandhigin mowqif mideysan oo cad oo ku aaddan qaabka loo wajahayo marxaladdan kala guurka ah, gaar ahaan marka la eego hindisayaasha Madaxtooyada Soomaaliya ee ku saabsan hirgelinta doorashooyin toos ah.

Dhanka kale, qaar ka mid ah xubnaha golahan ayaa toddobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa caasimadaha dalalka dariska ah, halkaas oo ay kula yeesheen kulamo gaar gaar ah oo ay ku falanqeynayeen xaaladda siyaasadeed ee taagan. Si kastaba ha ahaatee, faahfaahinta wada-hadalladaas iyo natiijooyinka kasoo baxay ayaan weli si rasmi ah loo shaacin.

Kulamadan isdaba jooga ah ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay dhinacyadu ugu midoobi karaan hannaan siyaasadeed oo lagu gaari karo doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo xasillooni waarta, iyada oo muddo xileedka Hay’adaha dowladda ay dhamaad yihiin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *