Sawirro:- Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo goordhow gaaray baydhabo, xilli Madaxweyne Xasan Sheekh…

Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyagoo horudhac u ah safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta gaaray Baydhabo waxaa ka mid ah Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Xasan Cali Nuur (Shuute), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Asad Cismaan Cabdullaahi, Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha amniga.
Imaanshahooda ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji, kuwaas oo la filayo inay maanta gaaraan magaalada Baydhabo.
Dhanka kale, ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo waddooyinka waaweyn iyo goobaha muhiimka ah lagu arkayo ciidamo kala duwan oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo sugaya amniga madaxda sare ee dalka.
Tallaabooyinkan ayaa muujinaya muhiimadda safarka Madaxweynaha iyo kulamada la filayo in ay ka dhacaan magaalada Baydhabo, oo ah xarun istaraatiiji ah oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.










