LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Koonfur Galbeed oo cadeeyay sababta Itoobiya u difaaci waayeen Laftagareen

Afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadlay mowqifka maamulka uu hoggaamiyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), isaga oo meesha ka saaray wararka sheegaya in maamulka laga adkaaday ama uu galay heshiis hoose.

Afhayeenka oo wareysi siiyay idaacadda BBC ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan ahayn jabhad laga adkaaday, balse ay tahay dowlad leh sharciyad buuxda. “Annagu jabhad meel laga la wareegay ma ahayn, waxaan ahayn dowlad. Dadka reer Koonfur Galbeed waxaan leenahay dowladnimadiinna yaan gacantiinna laga la bixin,” ayuu yiri.

Mar la weydiiyay haddii ay jiraan wax heshiis ah oo ay galeen, ayuu si cad u beeniyay, isaga oo xusay inaysan jirin wax heshiis ah oo ay qaateen. “Ma jiro wax heshiis ah oo aan qaadannay. Soomaali ma kala adkaato, waa lays khilaafaa, xabbadna waa dhici kartaa, balse waxaan doorannay in aanan dadkeenna ku dul diririn,” ayuu raaciyay.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa ka hadlay sababta ay ciidanka Itoobiya u difaaci waayeen maamulka Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in aysan jirin wax sabab ah oo Itoobiya u difaacdo. “Dalku waa Soomaaliya, Laftagareen ma xukumayn gobol Itoobiya ka tirsan, sidaas darteed ma jirin sabab Itoobiya ay noo difaacdo. Itoobiya dalka waxay ku joogtaa sharciga Qaramada Midoobay, Koonfur Galbeedna waa qayb ka mid ah Soomaaliya,” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay jiraan dooddo siyaasadeed iyo hadal-heyn ku saabsan sababta Ciidamada Itoobiya u difaaci waayeen Maamulkii laftagareen.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *