War cusub oo kasoo kordhay Xildhibaannada kasoo baxay doorashadii ka dhacday Gobolka Banaadir

Maanta ayaa lagu wadaa in xarunta Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed lagu qabto munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo lagu dhaarinayo xildhibaanadii dhowaan lagu soo doortay doorashadii Golaha Deegaanka Muqdisho ee qabsoontay sannadkii hore.
Xildhibaanadan oo tiradoodu gaareyso 390 mudane ayaa la filayaa inay si rasmi ah u la wareegaan xilalkooda, kaddib marka ay qaataan dhaarta dastuuriga ah, taas oo u sahleysa inay si buuxda u bilaabaan waajibaadkooda shaqo ee adeegga bulshada.
Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeyb geli doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dowladda, kuwaas oo goob-joog ka noqon doona dhacdadan muhiimka ah.
Qaban-qaabada dhaarintan ayaa timid kaddib amar rasmi ah oo ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo faray in si degdeg ah loo dhammaystiro dhaarinta mudanayaasha cusub, si loo dardargeliyo howlaha maamulka iyo horumarinta adeegyada dadweynaha ee caasimadda.
Dhanka kale, Madaxweynaha oo Maanta safar u ah magaalada Baydhabo, ayaa sii wada dadaallada la xiriira hirgelinta qorshaha doorasho qof iyo cod ah. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan ayaa wajahaya dood iyo mucaaradad ku saabsan habraaca iyo waqtiga lagu fulinayo.









